SOSCENSA: Amniga Muqdisho Si Loo Sugo Waa In Mushaarkiisa Uu Helaa Askariga Qoraxda Taagan

Gudoomiyaha hay’adda jilayaasha aan dowliga ahayn ee SOSCENSA Cabdullaahi Maxamed Shirwac ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka looga baahan yahay inay sugaan ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka.
Shirwac ayaa sheegay in amniga oo loo istaago in la sugo ay keeni karto inay baajiso qaraxyo ka dhaca magaalada iyo kahor taggooda intuba.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in iyana looga baahan yahay in mushaaraadkooda si joogto u siiso ciidamada ammaanka dalka sugaya, ayna keeni karto in ciidanka ay si hufan shaqadooda u gutaan.
“Waxa looga gaashaaman karo ayaa ah in dadka haya mas’uuliyadda amniga inay waajibkooda gutaan wixii iyaga ka badanna inay shacabka Soomaaliyeed weydiistaan inay gacan ka geystaan, waxa lagu fashilmay ayaa ah ninka askariga miskiinka ah qoraxdana taagan la bixin waayo mushaarkiisa dhowr bilood, in daryeel kale aanay haysan ciidankii marka waxa weeyaan in qoladaa askarta ah xaqooda la siiyo, mas’uuliyiinta xilkooda kasoo baxaan, hadii aanay kasoo bixi karinna ay si nabad ah u wareejiyaan oo ay yiraahdaan xilkaan kama soo bixi karno” ayuu yiri Shirwac.
Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanayey maalmihii ugu dambeeyay falalka ka dhanka ah amniga, waxaana maalmihii ugu dambeeyay jiray kulamo ay arrimaha amniga ee dalka ka yeelanayeen hay’adaha ammaanka ee ku shaqada leh.
Goobjoog News