Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kalfadhigii 7aad kulankiisii 39aad, iyadoo xubnaha baarlamaanku maanta ay gaarayeen illaa 145 xubnood, waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.
Shirka maanta ayaa ajandaha horyaalla xildhibaannadu uu ahaa mooshiinkii amniga oo wali ka doodistiisa ay sii socoto iyadoo maanta la filayay iney xildhibaannada hor yimaaddaan Wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Axmed iyo labada taliye ee Booliska iyo Nabadsugidda, laakiin waxaa soo xaadiray oo kaliya wasiir Cabdirisaaq oo u soo diyaar garoobay su’aal weydiinta xubnaha baarlamaanka.
Kalfadhigu markii uu furmay ayaa wasiirka la siiyay hadalka, isagoo xubnaha xildhibaannada u sheegay in arrinkii xasaanadda uu qoraallo ka sameeyay una kala diray taliyaasha ay khusayso isla markaana uu amar uu ku bixiyay in la ilaaliyo xasaanadda xildhibaannada qaranka, waxaanuu codsaday in su’aalo laga weydiiyo amniga si uu uga jawaabo maadaama arrinkii xasaannadda laga gudbay.




From the comments