Maamulka Galmudug ayaa guul ka sheegtay Dagaallo ay la galeen Xaerakada Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaanno ku dhaw degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Wasiirka Warfaafinta & Dhaqanka maamulkaasi Maxamuud Aadan Cismaan (Mesagaway) ayaa sheegay in ciidamada Galmudug ay dagaal ku qaadeen Xarakada Al-shabaab oo ku sugnaa deegaannad Caad & Ceel-Cabdi .
“Dowladda gobaleedka Galmudug oo in muddo ah wadday dadaallo lagu sugayo amniga iyo nabadeynta ee deegaanada Galmudug ayaa ciidanku ay maanta oo ah 1da Maarso 2016 ay guulo ka soo hoyeen oo kooxaha argagaxisada ah laga sifeeyey agagaarka deegaanka Caad & Ceel-Cabdi oo ay isku urursanayeen si ay u soo weeraraan deegaanka oo dhowaan farahooda laga maroojiyey. Guushii maantana waxey kalsooni gelineysaa shacabka deegaanka oo maalin walba hubsanaya in geesiyaasha ciidamad GalMudug ay heegan joogta ah ugu jiraan sidii argagaxisada looga sifeyn lahaa dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.”




From the comments