Xildhibaan Cabdallaahi Goodax Barre ayaa Talaadadii Baarlamaanka Federaalka ka hor sheegay in dalku uu waajahayo xaalado ammaan darro oo baahsan, waxa uu tilmaamay in waddanku aanuu gaari Karin bisha August oo uu yiri xaaladdii amni ee bishaas lagu gaari lahaa waddanka kama jirto.
Waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “wasiirku waxa uu noo yimid isagoon aan wadan taliyaashiisa, waxaana muuqata in taliyaashiisu ay ku gacan sayreen, wasiirku namuu oran laakiin dad siyaasiyiin ah ayaan nahay oo waan fahmi karnaa, waxaan xoghoose ku haynaa in xitaa golaha wasiirrada ay tagi waayeen oo shan mar inta golaha wasiirradu u yeereen ay tagi waayeen, taliyeyaasha iyo wasiirkuba inaaney is haysan way noo muuqataa”.
Waxa uu yiri; waxaan jeclaan lahaa inaan ka dhawaajiyo arrin yar, waxaan na haystay fashil siyaasadeed, waxaa muddo na haysta musuqmaasuq baaxad dhaafay, hadda waxaa muuqata in amnigiina uu fashilmay, waxa laga hadlayo waa bishii Juun illaa hadda waxay ciidamadu soo banneeyeen aagag aad muhiim u ah oo jiritaanka amniga Soomaaliya muhiim u ah, sida; Tooratoorow, Kuntuwaarreey, Qoryooley, Leego, Balli doogle, wallaweyn, Jannaale, Marka Buufow, Shalanbood, waxaa la qabsaday meel afgooye u jirta 10km, afgooyana maalin dhaweyto ayaa lasoo weeraray,aagaas oo idil.




From the comments