Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa waxay sii amba qaadeen shalay oo Arbaco ah mooshinkii amniga,kaas oo hadda marayay meel xasaasi ah oo su’aallo lagu waydiinayo mas’uuliyiinta ugu sarsareeysa ee xukuumadda federaalka iyo hay’adaha ammaanka dalka.
Xubnaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla in muddo ah mooshin ku saabsan Xasaanadda iyo Ammaanka oo loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka 8.02.2016, mooshinkan ayaa waxaa soo saxiixay xildhibaanno gaaraya illaa 54 xubnood oo ka tirsan xubnaha golaha shacabka, kaas oo illaa iyo hadda ka furan golaha shacabka oo aan dhinac u dhicin.
Kulanka baarlamaanka ee Arbacadii shalay ayaa ajandaha xildhibaannada horyaallaa uu ahaa hal qodob oo ah Su’aallo weydiinta Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, waxaase si lama filaan ah kulanka uga soo dhex muuqday taliyaha nabadsugidda Qaranka Gen C/raxmaan Tuuryare oo isna ay halkaa su’aallo ku weydiiyeen xubnaha golaha shacabka.




From the comments