Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose waxaa gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo gudgoomiyaha degmadaasi Cabdirashiid Cabdullaahi Gooni waxaana wafdiga ka mid ahaa xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Jubbaland.
Ulajeedka ay wafdigan halkaasi u tageen ayaa ah sidii ay Afmadow uga fulin lahaayeen Lix mashruuc oo horay loo ballan qaaday in halkaasi looga fuliyo, dhammaantoodna waa kuwo horumarineed.
Guddoomiyaha gobalka Jubada Hoose Cabdirashiid Gooni oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in mashruuca ugu horreeya ee laga fulinayo Afmadow uu noqon doono dhismaha xarunta degmadaasi, ayna xigi doonaan, saldhigga Booliiska Afmadow, Iskuullo iyo xarumo kale oo muhiim ah.




From the comments