Goobjoog

Xasan Turaabi Oo Lagu Aasay Khartuum-Taariikhdiisa

Waxaa maanta Khartuum lagu aasay hogaamiyihii xarakada Ikhwaanka Suudaan Xasan Al Turaabi oo sabtidii wadnaha istaagay isagoo da’diisa ay aheyd 84 jir. In ka badan 3 kun ayaa ka soo…

Xasan Turaabi Oo Lagu Aasay Khartuum-Taariikhdiisa

Waxaa maanta Khartuum lagu aasay hogaamiyihii xarakada Ikhwaanka Suudaan Xasan Al Turaabi oo sabtidii wadnaha istaagay isagoo da’diisa ay aheyd 84 jir.

In ka badan 3 kun ayaa ka soo qeyb gashay aaska marxuumkan oo lagu tiriyo hogaamiyaha Islaamiyiinta Suudaan, waxaa dadka aaskiisa ka soo qeyb galay ku jiray mas’uuliyiin iyo dadweyne aad u jeclaa hogaamiyaha

Taariikhda Xasan Al-Turaabi oo Kooban:

Xasan Al Turaabi meelo badan ayuu wax ka bartay, heerka koobaad ee jaamacadda waxaa uu ka baxay kuliyadda Low-ga ee jaamacadda Khartuum, Master-ka waxaa uu ka qaatay jaamacadda Oxford halka uu PHD-da ka qaaday jaamacad ku taalla dalka Faransiiska 1964-tii.

1960-meeyadii dhamaadkeeda waxaa uu ku biiray Xarakada Ikhwaanka isagoo ka noqday xubin firfircoon, waxaana lagu tiriyaa tiirarka xarakada ee qarnigii 20-aad.

Shaqo:

Waxaa uu Xasan Al-Turaabi bare ka noqday Jaamacadda Khartuum isgaoo markii dambe isla jaamacadaas ka noqdau Dhiin kuliyadda Low-ga.

Waxaa uu dalka Suudaan ka noqday Wasiirka Cadaaladda iyo Wasiirka arrimaha dibadda isagoo ilaa 8 sano ahaa sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka dalka Suudaan.

Xasan Turaabi waxaa ay isku dhaceen madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir taas oo keentay in 2001-duu aasaaso xisbigiisa gaarka ah.

Turaabi waxaa uu ahaa qof aqoon dheer u leh diinta, siyaasadda iyo arrimaha bulshada, waxaa lagu tiriyaa dadkii ugu muhiimsanaa ee soo mara taariikhda Suudaan.

Goobjoog News

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments