Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Jimcaalle iyo xubno ka mid ah maamulkiisa ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu socdaal uu ugu kuurgalayo nabadda magaalada Muqdisho uu ku tagay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Xubnahan waxay socdaal xalay saqdhexe ku tageen deegaannada ku teedsan waddooyinka Wadnaha iyo 30-ka ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu kula soo kulmay saraakiisha ciidanka ammaanka ee heeganka ku jiray.
Socdaalkaasi kadib ayuu gudoomiye Jimcaale saxaafadda waxa uu u sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay inta uu wado qorshaha la wareegista amniga gobalka Banaadir iyo in sidaan oo kale ay ula socdaan xaaladda guud ee magaalada Muqdisho.




From the comments