Wararka ka imaanaya degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ay ka dhalatay dagaal halkaasi ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamadaan ayaa la sheegay inay ku dagaallameen raashiin maanta loo qeybinayay kadib markii ay isku eedeeyeen in saamiga raashiinka la kala badsaday.
Ugu yaraan Hal askari ayaa halkaasi ku geeriyooday 2 kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray sida ay Goobjoog News u sheegeen dad goobjoogayaal ah.




From the comments