Ciidamada ammaanka maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa NISA ayaa howlgallo ballaaran ay ka sameeyeen magaalada Baydhabo waxay kusoo qabteen 10 qof oo lala xiriirinayo qaraxii shalay ka dhacay magaaladaasi.
Maxamed Isaaq Xasan oo ka mid ah saraakiisha amniga Baydhabo oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dadkani ay qaarkood qirteen inay wax ka ogaayeen qaraxii shalay lala eegtay ciidan ka tirsan Booliiska kaas oo ka dhacay gudaha Baydhabo.
Waxa uu Mr Isaaq tilmaamay in ciidamada sidoo kale ay ku raadjoogaan rag kale oo qaraxaasi wax ka maleegay, kuwaa oo uu sheegay in shalay ay baxsadeen.




From the comments