Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in gurmad degdeg ah ay la gaaraan shacabka ay abaartu ku hayso deegaanno ka mid ah Puntland iyo Somaliland.
Waxa uu sheegay Sheekha in maanta loo baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay muujiyaan is jaceyl iyo sidoo kale Soomaalinimo, loona istaago u gurmadka dadka dhibban.
“Xilligaan oo kale xooluhu waa markii loo baahnaa, wey kuu badanayaan, sadaqada xoolo ma nusqaamiso, wey idiin badanayaan, haloo gurmado dadka ay abaartu ku hayso deegaannada Puntland iyo Somaliland” ayuu yiri Sheekh Nuur.




From the comments