Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay kulamo xasaasi ah oo ka socda magaalada Baladweyne loogana arrinsanayo xaaladda maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelle isagoo ku eedeeyay wasaaradda arrimaha gudaha iney qaadatay kaalintii cid kasta.
Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku bilaabay in ay u joogaan gobolka Hiiraan shir wada tashi ah oo odayaasha dhaqanku ugu yeereen, waxa kale oo uu yiri xildhibaanka dastuurku waxa uu ku waajibinayaa xilliga uu fasaxa tago deegaan doorashadiisa xaaladdana la soo wadaago, una sharaxo wixii la soo qabtay fasaxan iyo inta u dhaxeysa kii hore, isla amarkaana uu weydiiyo dhibaatooyinka iyo horumarka gobolku ku tallaabsaday.
Goodir waxa uu xusay in ay odayaashu u sheegeen dhaliisha ay ka qabaan maamul u sameynta labada gobol ee hadda madasheedu ka furan tahay magaalada Jowhar, isagoo xusay in ay dhawaan kasoo saareen bayaan cad oo ah sida loo maamulayo iyo sida ay wax u socdaan aysan ku qanacsanayn oo ay doonayaan in talada dib loogu soo celiyo.




From the comments