Ugu yaraan Afar ruux ayaa ku geeriyootay qarax miino oo xalay ka dhacay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.
Qaraxani miino ayaa ka dhacay meel ay dadka isugu yimaadaan oo ku taalla Garbahaarey halkaas oo mar qura laga war helay qaran .
Saraakiisha magaalada ayaa xaqiijiyay in tiro intaas ka badan ay ku dhaawacantay qaraxani, waxaana soconaya howlgallo ay wadaan ciidanka dowladda oo ku aadan sidii loo soo qaban lahaa ciddii ka dambeysay.




From the comments