Golaha amaanka ayaa jimcihii soo saaray qaraar looga hortagayo kufsiga sii kordhaya ee ay ku kacaan ciidamada nabad ilaalinta qaramada Midoobay.
Ciidamada nabad ilaalinta qaramada Midoobay ayaa lagu eedeeyay in ay kufsadaan carruurta, dalalka ay falalkaas ka dhaceen ayaa kala ahaa Congo iyo Afrikada dhexe.
Ururkan ayaa sheegaya in sanadkii 2015-ka ilaa 69 xaalad kufsi ay dhaceen, waxaa intaa dheer ilaa 25 dhacdo oo sanadkan horaantiisa dhacay.




From the comments