Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka Qalabka sida ayaa xukun dil ah waxay ku xukuntay askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, kaasi oo la sheegay in maalin kahor uu qof shacab ah ku dilay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Xukunkaan waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka Qalabka sida Korneel Xasan Cali Nuur Shuute.
Akariga xukunkaan lagu riday ayaa lagu magacaabaa Bayaan Ibraahim Mursal, waxaana xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida uu kusoo eedeeyay in si bareer ah uu u dilay Marxuum Cabdullaahi Maxamed Aadan, kaasi oo ka dhacay magaalada Baydhabo.




From the comments