Tan iyo markii la dhisay maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa la sheegayaa in aanu jirin xafiis si rasmi ah ay u furteen wasaaradaha maamulkaasi, balse markaan ay wadaan qorsheyaal ay xafiisyo iyo xarumo rasmi ah ay ku dhisanayaan.
Wasaaradda Arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Galmudug ayaa sheegay in ay ku howlanyihiin sidii ay u furan lahaayeen xafiis ay wasaaraddu leedahay.
Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Galmudug Cumar Maxamed Diiriye oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in wasaaraddu ay waddo dadaallo Todobaadkaan ay magaalada Cadaado kaga furaneyso xafiis bulshada loogu shaqeeyo maadaama horay uusan u jirin sida uu sheegay xafiis si rasmiya u shaqeeya ee howl wadeennada wasaaraddu ay ku shaqeeyaan, waxana uu intaa hadalkiisa raaciyay inay muhiim tahay dhammaan wasaaradaha Galmudug in ay helaan xafiisyo ay ku shaqeeyaan si bulshada galmudug ay u helaan adeegga dowliga ah oo ay u baahanyihiin.




From the comments