Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada baarlamaanka Soomaaliland oo kula hadlay saxaafadda magaalada Hargeysa ayaa ku dhiirri galiyay dadweynaha iney isugu soo baxaan diiwaan gelinta doorashada oo dhawaan ka bilaabatay Soomaaliland.
Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Dadka Soomaaliland waxaan dhamaantood leeyahay waxaa wanaagsan in dadku ay isdiiwaan geliyaan, gaar ahaan labada gobol ee iminka ay ka bilaabaatay diiwaan gelintu, waxaan doonayaa si wanaagsan oo buuxda oo tayo leh iney isku diiwaan geliyaan oo ay kaarka qaataan si wanaagsan, hadhowna ugu codeeyaan ciddii ay doonaan”.
Faa’idada ay diiwaangalintu leedahay waa ; gobollada cusub ee diiwaan gelintu ka bilaabatay welina aan la aqoonsan, in gobol ahaan lagu ictiraafayo tirada dadka ka soo baxa oo lagu qiimeynayaa, waa in ay si fiican isku diiwaan geliyaan dadku ayuu yir.




From the comments