Maamulka degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in la daba joogo dadka ka dambeeya hobiyeyaal dhowr jeer lagu tuuray degmadaasi, kuwaa oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulkaasi Maxamed Cabdi Axmed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad sugidda ay wadaan dadaallo xooggan oo ay ku doonayaan inay kaga hortagaan soo laabashada falalkaasi oo kale.
Waxa uu tilmaamay in hadda ciidamada ay ilaalo ka hayaan dhamaan degmada, sidoo kalena la wado baaritaanka ah dadka Hoobiyeyaasha degmada kusoo tuura.




From the comments