Dagaallo u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhaceen deegaanno ka mid ah gobolka Mudug, kuwaasi oo khasaare geystay.
Dagaalkaan ayaa xooggiisa waxa uu ka dhacay deegaanka Sarjimaale oo dhinaca waqooyi bari magaalada Gaalkacyo kaga beegan qiyaas ahaan 38-KM, kuna dhow deegaanka Bitaale oo 50 KM isla jihadaasi kaga beegan magaalada Gaalkacyo.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkani ku dhaawacmay 6 qof oo ka mid ah dhinacyadii halkaasi ku dagaallamayey sida Goobjoog News u xaqiijiyeen dad goobta lagu dagaallammay ka dhow.




From the comments