Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku lug lahayd weerar habeenkii xalay ahaa Al-shabaab ku qabsadeen deegaanka Garacad ee gobalka Mudug.
Wasiirka Amniga maamulkaasi Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in markii Puntland ay diidday nidaamka 4.5 in loo soo abaabulayo deegaannadeeda falal amni darro iyo arbushaad waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Waxaan kasoo baxnay shirka xukuumadda Puntland ay qabatay, waxaan rabnaa dadweynaha reer Puntland iyo umadda Soomaaliyeed wixii wanaag raba in shir saxaafadeedkan ugu sheegno arrimaha dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay, Puntland muddo dheer waxay la dagaallameysay argagaxisada nooc walbo ha ahaatee, hadda waxaa naloo sheegay in koonfurta Soomaaliya uu kaga soo duulay urur argagaxiso ah oo magaciisa la yiraahdo Shabaab, waxay soo mareen Hoboyo iyo Xarardheere, waxaan oran karnaa arrintaa abaabulkeeda in dowladda Federaalka ah aanay ka madaxbanaaneen oo gacan ay ku leedahay kusoo duulitaanka Puntland” ayuu yiri wasiirka Amniga Puntland.




From the comments