Kulamo Looga Arrinasanayo Sidii Lagu Sii Deyn Lahaa Shaqaale Hay’ad Samafal Oo Ka Socda Gobalka Gedo

Shirar gooni gooni ah ayaa ka billowday Degmooyinka Beledxaawo iyo Baardheere kuwaas oo looga hadlayo qafaal degaanada Gobolka Gedo loogu gaystay shaqaale u shaqaynayay Hay’ada Bisha Cas ee Soomaaliyeed.
Shirarkan ayaa waxa ku lug leh Odayaasha dhaqanka Gobolkaas oo doonaya in dib xurriyadooda ay u helaan shaqaalahaas oo laga afduubtay meel u dhow Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhankooda waxa ay ku howlan yihiin sidii ay usoo dayn lahayeen shaqaalahaas iyaga oo adeegsanaya hab Milatari, waxana laga cabsi qabaa in iska hor imaad uu dhaxmaro Al-shabaab iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shaqaalahan ayaa hadda lagu soo waramayaa in lagu haysto meel u dhow Degmada Ceelwaaq waxaana la rumaysan yahay in ay qafaasheen Al-shabaab.
Wariyaha Goobjoog ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa soo sheegaya in ciidamada Dowlada ay billaabeen howlgallo ay ku doonayaan in ay kusoo daayaan shaqaalahaas u shaqaynaya Hay’adda Bisha Cas ee fadhigeedu yahay Gobolka Gedo.
Shaqaalahan ayaa u shaqaynayey Labo ka mid ah Hay’adda Bisha Cas ee Gedo halka qof kalena uu u shaqaynayay Hay’adda SADO oo isla gobolkaas xarun ku leh.
Degaanka uu qafaalkan ka dhacay ayaa lagu Magacabaa Sidaamo waxa uuna 55 KMG dhanka galbeed uu ka xigaa Degmada Baardheere.
Goobjoog News