Shirarka wacyi gelinta dib u eegista dastuurka ayaa 15 Marso waxa uu ka furmay magaalada Beydhabo xarunta gobolka Baay, waxaana shirka soo qaban qaabiyay guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ee dib u eegista dastuurka.
Ugu horreyn waxaa daahfurka ka hadlay wasiirka Dastuurka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, waxa uuna ka hadlay muhiimadda shirkani uu leeyahay isagoo yiri “iyadoo laga duulayo xaq u lahaan shaha muwaadiniita Soomaaliyeed iney ogaadaan hanaanka dib u eegista dastuurka si ay ugu biiriyaan talooyinkooda ka tarjumaya danahooda, una gartaan xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta”.
Dhanka kale waxaa isna ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, “Shacab koonfur galbeed ahaan baarlamaankeeda, waxaan runtii ku bogaadineynaa dowladda Federaalka, gaar ahaan wasiirka Dastuurka iyo Guddiga dib u eegista Dastuurka Soo bandhigidda iyo la tashiga ay noogu yimaadeen, iney nagala tashadaan qaabka uu noqon doono dastuurka mustaqbalka loo sameynayo shacabka Soomaaliyeed, dastuurkuna waxa uu noqonayaa mid ay shacabku leeyihiin, waxaan ku faraxsannahay inaan noqonno meeshii ugu horreysay ee dahfurkaa lagu sameeyo”.




From the comments