Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo Al-shabaab uu ka billowday duleedka deegaanka Garmaal ee gobalkaasi.
Dagaalkan ayaa ka socda deegaan magaciisa lagu sheegay Suut oo ku dhaw deegaanka Garmaal, waxaana weerarka dagaalka lahaa sida la sheegay ciidanka Puntland.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaase la maqlayaa rasaas aad u xooggan, iyadoo ciidanka Puntland ay jareen Isgaarsiintii deegaanka Garmaal iyo deegaannada kale ee ku dhaw.




From the comments