Howlgallo dad lagu soo qabqabtay ayaa ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM waxay ka sameynayaan degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Saqdii dhexe ee xalay ayaa xaafadaha degmada Afgooye lagu arkayay ciidamo badan oo dhex socda kuwaa oo howlgallo wada.
inkastoo ay ciidamada ay Saaka kasoo baxeen xaafadahan haddana waxa ay ku sugan yihiin waddooyinka laga galo xaafadaha degmada Afgooye, iyagoo dadka u diidaya in ay sameeyaan dhaqdhaqaaq.




From the comments