Ummu Saacid oo ah Xaaska Maxamed Cabdi Xasan Afweyne ayaa sharci daro ku tilmaantay Xukun xabsi 20 sano ah oo maxkamad ku taalo Belgaum ku riday Afweyne oo loo heeysto eedeyn la xiriirta Burcad badeednimo.
Ummu Saacid ayaa sheegtay in ay aad uga xunyihiin Xukunkaasi oo sida ay sheegtay lagu riday saygeeda isaga oo ay ka maqan yihiin looyaradii u doodayey.
Waxa ay waxba kama jiraan ku tilmaamtay edeeymaha loo hayey ee burcad badeednimada ah, waxa ayna sheegtay in Maxamed uu ahaa ganacsade Soomaaliya iyo Imaaraadka ganacsigiisa uu isaga kala Goosho.




From the comments