Goobjoog

61 Qof Oo Ku Geeriyootay Diyaarad Ku Burburtay Ruushka

Diyaarad Rakaab oo sidday ilaa 61 ayaa ku burburtay magaalo ku taalla koofurta Ruushka ee Rostov-on-Don. Diyaaradda oo ahayd Fly Dubai Boeing 737-800 kana soo kicitintay Dubia, waxaa saarnaa 55…

61 Qof Oo Ku Geeriyootay Diyaarad Ku Burburtay Ruushka

Diyaarad Rakaab oo sidday ilaa 61 ayaa ku burburtay magaalo ku taalla koofurta Ruushka ee Rostov-on-Don.

Diyaaradda oo ahayd Fly Dubai Boeing 737-800 kana  soo kicitintay Dubia, waxaa saarnaa 55 rakaab ah iyo 6 shaqaale.

Lama oga sababta diyaaradda u burburtay, laakiin mas’uuliyiinta qaar ayaa sheegay in hawada ay xumeyd marka ay diyaaradda ka soo dageysay garoonka Rostov-on-Don.

Duqa Magaalada oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dadka diyaaradda saarnaa intooda badan ay ahaayeen Ruush isagoo intaa raaciyay in uu socda baaritaan burburka diyaaradda la xiriira.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments