Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya in duleedka degmadaasi ay ku dhinteen Seddax Caruur ah oo la sheegay inay ku dhaceen Barkad ay Biyo ku jireen.
Carruurtan ayaa la sheegay in halkaasi ay u tageen in dhar ay kusoo dhaqaan, balse ay si lama filaan ah ugu dhaceen Barkaddii biyaha ay kasoo darsanayeen.
Jaamac Shire Jaamac oo ka mid ah waalidiinta Carrurtan ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey geerida Seddaxda Caruur, isaga oo sheegay in aanay ogeyn sababta ka dambeysay in halkaasi ay ku wada dhacaan.




From the comments