Wararka ka imaanaya deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in duleedka degmadaasi uu dib uga billowday dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Al-shabaab.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen meel la sheegay inay isku uruursanayeen ciidamada Al-shabaab.
Dagaalka ayaa ah mid xooggan sida ay inoo sheegayaan dad ku sugan deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, hase ahaatee lama oga khasaaraha inta uu la egyahay.




From the comments