Warar laga sii daayey Telefishanka dalka Belgium-ka ayaa sheegaya in qaraxyadii 3-da ahaa ee Brussels ay fuliyeen labo nin oo walaalo ah, labadan ayaa sidoo kale la sheegay in ay xiriir la leeyihiin Salaax Cabdislaan iyo kooxdii fulisay qaraxyadii Paris.
Labadan nin ayaa lagu Magacaabaa Khalid iyo Ibrahim Al-Bakraawi, waxaa la sheegayaa in ay guri ka kireysteen Brussels inta aanay qaraxyada fulin, weliba iyadoo isticmaalaya magacyo been ah.
Guriga raggan ay kireysteen waxaa sidoo kale laga helay faraha Salaax Cabdislaan iyo kooxihii fuliyay qaraxyadii Paris.




From the comments