Wararka ka imaanaya saakay oo Arbaco ah degmada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay halkaasi ka wadaan howlgallo la sheegay in amniga lagu xaqiijinayo.
Ciidamada ayaa baaraya xaafado ka tirsan Garbahaarey iyo sidoo kale kuwo kale oo ku yaalla duleedka degmadaasi.
Saraakiisha ciidanka ee hogaamineysa howlgalladaan ayaa iyaga oo ka gaabsaday baahinta magacyadooda waxay si kooban ugu sheegeen Goobjoog News in howlgalladaan ay daba socdaan falal amni darro oo maalmahan dambe ka dhacay degmada Garbahaarey iyo nawaaxigeeda.




From the comments