Munaasabad lagu dhegax dhigayey xarun cusub oo ay ku shaqeyn doonto wasaaradda qorsheynta maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu qabtay magaalada Bahadba ee xarunta gobolka Baay, iyadoo munaasabadani ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirka wasaaradda qorsheynta maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Nuur Caruus oo halkaasi warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in wasaaraddiisa ay caawinaad ka heshay hay’dda UNDP oo bixin doonta qarashka ku baxaya dhismahani.
Waxa uu tilmaamay wasiirka in wasaaradda loo dhisayo xafiisyo, hool shirarka ah iyo Masjid, islamarkaana ay ku bixi doonto lacag dhan 182 kun oo doolarka Maraykanka ah oo ay bixineyso UNDP.




From the comments