Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho labo maalin ah ku tagey magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa kulamo kala duwan oo xog-wareysi ah la yeeshay qeybaha Bulshada iyo Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Hiiraan, waxana ay ka wada hadleen sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Ra’iisul Wasaare Sharmaarke ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkoodu yahay sidii tallada dhismaha maamulka labada gobol dib loogu soo celin lahaa gacanta bulshada ku dhaqan labada gobol, isagoo ka codsaday qeybaha bulshada iyo weliba odayaasha inay gacan buuxda ka geystaan sidii loo dar-dar gelin lahaa dhismaha maamulka loo dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay kulamadii ay la qaateen Odayaasha Dhaqanka labada dhinac in la isku afgartay, islamarkaana uu rajeynayo in dhammaan beelaha ka maqnaa shirka ay sida ugu deg-degsan ugu laabtaan Jowhar, lana sii amba qaado shirka. Wuxuna xusay in Xukuumadda Soomaaliya gacan buuxda ay ka geysan doonto sidii dadka degan labadaas gobol u heli lahaayeen maamul ay iyagu ku qanacsan yihiin.




From the comments