Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dooni ay la socdeen rag ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, kadib howlgallo ay sameeyeen ciidanka maamulkaasi.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Galmudug ay howlgallo ka sameeyeen deegaanno ka mid ah Mudug, gaar ahaan deegaannada kala ah Galhagoog, Dinooda, Af-barwaaqo iyo Towfiiq waxaana uu hoosta ka xariiqay in dhawaan ay soo gabagabeyn doonaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.
Waxa uu sheegay Wasiirka in sidoo kale ay jiraan dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo AJaaniib ah islamarkaana ku dhuumaleysanaya deegaanno ka mid ah gobolka Mudug waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments