Boqolaal dad ah ayaa isusoo bax looga soo horjeedo Monitoring Group ka sameeyay Daljirka daahsoon ee bartamaha magaalada Muqdisho.
Odayaal, Ganacsato, dhalinyaro, haween iyo dadweyne badan ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah Monitoring Group iyagoo ku eedeeyay in ay kooxdan ay ka soo horjeedo hor-umarka dalka.
Sabtidii la soo dhaafay waxaa war saxaafadeed soo saaray odoyaal, ganacsato iyo ergo ka socota qeybaha kala duwan ee bulshada iyagoo sheegay in ay cambaareynayaan Monitoring Group-ka, kana sheegay shirkaas in kooxdan ay adeegsato handadaad iyo warar been abuur ah oo ay ka sameeyaan Shakhsiyaad iyo hay’ado Soomaaliyeed.





From the comments