Goobjoog

Dowladda oo Heshiis La Gaartay Odoyaasha Dhaqanka ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe

Waxaa goordhaw heshiis ku gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan dowladda Soomaaliya iyo Odoyaasha Dhaqanka ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. Qodobada Lagu Heshiisyay waxaa ka mid ah: In shirka…

Dowladda oo Heshiis La Gaartay Odoyaasha Dhaqanka ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe

Waxaa goordhaw heshiis ku gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan dowladda Soomaaliya iyo Odoyaasha Dhaqanka  ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Qodobada Lagu Heshiisyay waxaa ka mid ah:

In shirka Jowhar dib loogu laabto

In talada gacanta loo geliyo odoyaasha labada gobol, dowladdana ay fududeyso

In wada jir loo raadiyo dadka diidan ama dhaliilsan shirka

Fulinta arrintaas waxaa loo xilsaaray guddoomiyaha gobolka

Madaxweynaha Soomaaliya, wasiirka arrimaha gudaha, Wasiirka Petroolka, Wasiirka Amniga gudaha, Wasiirka Dhalinyarada iyo Xildhibaano ka tirsan federaalka ayaa maalmahan ku sugnaa Hiiraan si odoyaasha loogu cadaadiyo in ay dib ugu noqdaan shirka Jowhar.

Faahfaahinta kala soco, Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments