Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay heshiiskii dhowaan magaalada Kismaayo ay ku kala saxiixdeen Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo mid ka mid ah beelaha dega gobolladaasi.
Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiskaasi uu ka tarjumayo biseylka shacabka ee fahamka dib u heshiisiinta iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.
“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan u hambalyeynayaa maamulka Jubbaland iyo beelaha degaankaasi, tallaabadan horumarka leh ee ay sameeyeen. Heshiiska Kismaayo waxaa uu muujinaya baahida loo qabo in la ballaariyo lana dhiirigeliyo hawlaha dib u heshiisiinta. Waxaan Jubbaland iyo beelaha ku dhaqan ku dhiirigelinayaa inay sii wadaan hawshan quruxda badan oo aasaas u ah dhismaha Soomaaliyada cusub ee aan doonayno inay ku saleysnaato wada noolaansho, nabad , is-aqbalid iyo in horumarka laga wada shaqeeyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.




From the comments