Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha cusub ee waddanka Xiriirka Russia wakiilka uga noqon doona Soomaaliya, Mr Sergey Kuznetsov.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay gacmo furan ku soo dhoweyneyso Danjire Kuznetsov, isla markaana Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto.
“Dowladda Soomaaliya way soo dhoweyneysaa tallaabadan ay Russia dib ugu soo nooleyneyso xiriirka ay Soomaaliya la leedahay, waxaana filayaa inaan iska kaashan doono dhinacyada dhaqaalaha, kaabeyaasha dhaqaalaha, macdanta, waxbarashada, dhaqanka iyo in xukuummada Moscow ay gacan ka geysato dib u dhiska dalka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.





From the comments