Dadkii dhawaan kasoo barakacay deegaanka Kaxan-dhaale ee gobolka Galgaduud ee soo gaaray tuulooyin hoosyimaada deegaanka Gelinsoor ee gobolka Mudug ayaa sheegay in xilligaan ay soo wajahday xaalad adag oo dhanka nolosha ah.
Dadkan oo gaaraya ugu yaraan 100 qoys ayaa sheegay in nolol wanaagsan aanay ku haysan deegaankan ay ku sugan yihiin, waxaana ay ay degdeg ku baaqeen in ay helaan gurmad dhan walbo leh.
Sidoo kale dadkan ayaa sheegay in deegaanka Kaxandhaale oo ku dhaw xuduudda Itoobiya ee dhanka Galgaduud ay sidoo kale uga baahan yihiin dowladda Itoobiya inay dib ugu celiso deegaannadeeda oo ay kasoo barakiciyeen ciidan dowladdaasi ka ammar qaata waa sida ay hadal u dhigeenne.




From the comments