Wararka ka imaanaya deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi xalay ay madaafiic ku weerareen Xarakada Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ciidanka AMISOM ay tuureen madaafiic kale oo jawaab u muuqday.
Guddoomiyaha deegaankaasi Abukar Isaaq oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Hobiyeyaal dhowr ah ay Al-shabaab kusoo tuureen degmadaasi balse aanu jirin khasaare ka dhashay madaafiicda lasoo tuuray.
Guddomiyaha ayaa dhinaca kale hoosta ka xarriiqay in markii hoobiyeyaashan ay soo dhaceen ay ciidanka AMISOM ee Leego iyaguna jawaab ka bixiyeen, lamana oga jawaabtaasi khasaaraha ay geysatay.




From the comments