Guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa Monitoring Group ku eedeeyay warbixinnada ay Soomaaliya ka gudbiyaan ay yihiin kuwo dacaayad ku saleysan, isla markaana inaaney ogoleyn qaran Soomaaliyeed oo cagihiisa isku taaga.
Waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ” anagga kooxaha isku magacaabay Monitoring Group ama heblaayo Watch, waxaan u naqaannaa kuwo dowladnimada Soomaaliyeed kasoo hor jeeda oo aan dooneyn in dalkaas iyo dadkiisa ay nabdoodaan, oo ay horumar gaaraan, oo ay soo ceshtaan karaamadooda iyo sharaftooda, isla markaana qaran Soomaaliyeed oo cagihiisa isku taaga aanay ogoleyn, haday noqon lahayd dhinaca siyaasadda, ama dhinaca amniga iyo ciidan, ama ha noqoto dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada inta waxaad moodaa in Soomaaliya ay iyagu u noqdaan meeshii Soomaaliya loo soo marinayay waxwalba si ay noo maamulaan, waana wax ay horey u barteen, Soomaaliyana in muddo ah ay iyagu maamulayeen iyagoo sheeganaya ururro dowli ah ama kuwo gobol”.
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, warbixintoodu si kastaba ha ahaatee waxay doonayaan iney Soomaaliya ku hayaan dulli iyo ihaaneysi.




From the comments