Wafti safiirro ah oo ka socda Turkiga ayaa galabtii arabacada gaaray Garoowe iyagoo xalay ilaa maanta wada hadallo aan kala go’ laheyn la leh maamulka Puntland.
Watdiga Turkiga ee Garoowe gaaray waxaa hor kacayey Dr. Kani Torun oo ah Xildhibaan ka tirsan Turkiga iyo Olgan Bakar oo ah safiirka Turkiga ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland oo wada hadal gaaban oo yeesheen ka hadlayey ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo wafdiga Turkiga.
Cabdiweli Gaas waxaa soo dhaweynta labada safiir kadib sheegay in ay halkaas u tageen in labada dhinac ay ka wada hadlaan xiriirka Turkiga iyo Puntland ay ka faa’ideysato howlo arrimaha bulshada iyo Banii’aadamnimada oo ay ku fulin rabaan Puntland iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen geedi u socodka nabadda Soomaaliya.




From the comments