Wasiirka Gargaarka Bini’aadannimada iyo daryeelka naafada Galmudug Shire Xirsi Maxamuud oo kormeeray kaam ay ku jiraan qoysas barakacayaal ah oo ku yaalla duleedka magaalada Cadaado ayaa sheegay in qoysaskani ay la noolyihiin dhibaatooyin kala duwan oo dhanka bini’aadannimada ah.
Waxa uu xusay wasiirka in hay’adaha samafalka ah aanay waxbo ka qaban hay’adaha samafalka baahiyaha dadka barakacayaasha ay qabaan, isaha oo tilmaamay inay la xisaabtami doonaan dhammaan hay’adaha iyo NGP-yada ka howlgala deegaannada Galmudug, waxaana uu ugu baaqay in muddo kooban ay isku soo diiwaangeliyaan si ay u ogaadaan shaqooyinka deegaanka ay qabtaan.
“Waxaan tagnay kaam ay baahi badan ka jirto, waa kaam dadkiisu aanayhaysan wax walbo oo nolosha muhiim u ah, waa meel aan biyo, raashiin, caafimaad iyo wabarasho lahayn, waxaan leenahay hay’adaha caalamiga ah, Galmudug, dowladda Federaalka iyo cid walbo oo Soomaaliyeed inay kasoo gaaraan dadkaasi oo ku jira xaalad aan maanta lagu fiirsan karin, buushashka u dhisan roob iyo kuleyl intaba ma celin karaan”




From the comments