Dabley hubeysan ayaa maanta barqadii waxay degmada Xamarweyne gaar ahaan agagaarka Ceelgaabta waxay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Nabad sugidda Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabayey Mahad Faarax.
Guddomiyaha degmada Xamarweyne C/qaadir Maxamed C/qaadir oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dableyda dilka geystay ay saarnaayeen gaari nooca Soomaalida u taqaano caasi, islamarkaana ay ku horjareen gaarigii kale ee uu saarnaa sarkaalkaan, ayna rasaas ku fureen, sidaasina uu ku dhintay.
“Dilkan waxa uu ka dhacay wadada u dhaxeysa Uunlaay iyo Ceelgaabta ee degmada Xamarweyne, waxaana sarkaalkaan dilay rag hubeysan oo gaari caasi ah saarnaa, wey isku horjareen wey dileen kadibna waa ay baxsadeen” ayuu yiri Guddoomiyaha.




From the comments