Maxamed Maxamuud Caalim oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa tillaabo horay loo qaaday ku tilmaamay heshiiskii xalay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ku gaareen magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.
Aqoonyahankan ayaa sheegay in heshiiskan uu noqon doono mid looga gudbi karo caqabado badan oo jiray sidoo kalena kaalin ka qaadan doono dib u dhiska dalka.
Sidoo kale aqoonyahankan ayaa sheegay in kaalin uu ka qaadan doono heshiiskan in la helo ciidan mideysan oo qaran ah iyo in shacabka ay u midoobaan arrinta ku saabsan doorasho xalaal ah oo dalka ka dhacda.




From the comments