Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo qabanqaabisay isku soo bax roobdoon ah, kaasi oo ay ka qeybgaleen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, Culimo, iyo shacab badan.
Saaladda Roobdoonka ah ayaa lagu tukaday barxadda weyn ee Masjidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi oo la hadlay warbaahinta salaadda roobdoonka ah kadib waxa uu sheegay in hubanti ay tahay in hadii Allah la baryo in la helayo wax walbo oo ilaahay la weydiisto, waxaana uu tilmaamay in cibaadada Allah oo la badiyo tahay midda kaliya ee barwaaqada lagu gaari karo.




From the comments