Maamulka degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey qaabka canshuur bixinta ee degmadaasi iyo sida maamulka ula macaamilo shacabka degmadaasi ku dhaqan.
Guddoomiyaha degmadaasi Cumar Meyre oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in cashuurta markii ay qaadaan ay qofka siinayaan warqadda aqoonsiga bixinta lacagta, sidoo kalena markii degmadu lacagta ay qaaddo ay toos ugu dhaceyso waaxda canshuur bixinta gobolka Banaadir.
“Canshuuraha waxaan u qaadnaa qaab cad oo wax kaso ay qeexan yihiin oo aad ogsoon tahay maamulka Gobolka Banaadir wuxuu heshiis ku siiyay shirkad in si hufan loo qaado canshuuraha guryahay, muwaadinka waxaa loo jarayaa warqad loo geynayo oo sheegaysa inay bixiyeen lacagta, cabir ayaa lagu bixiyaa canshuuraha, degmada waxay ka kooban tahay Afar waax, waxaa ku yaalla guryo badan, waa degmo aad u baaxad weyn, si isku mid ah ayaa loogu adeegaa, waaxda Koowaad ayaan ku billawnay canshuuraha weyna socdaan, 7 kun oo guri ayeey sii mareysaa mar dhow ayaan soo gabagabeynaynaa, muwaadinka markii loo tago waxaa la eegayaa gurigiisa ma banaanyahay, ma dhisan yahay oo ma cariish baa, Jiigad, Sar Villo ah, ama Dabaq” ayuu yiri guddomiyaha.




From the comments