Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxay ka dageen deegaanno ka mid ah Somaliland, gaar ahaan deegaanno badan oo abaar ay ka jirtay.
Cabdisamad Cumar oo ka mid ah dadka ku nool gobol uu maamulka Somaliland ugu magacdaray Baki ayaa sheegay in ay dadku heleen roob ay ku diirsadeen, islamarkaana biyo dhigay.
“Dadku wuu nimceystay, ilaahay ayaa mahad leh, abaar baahsan ayaa na haysay, biyo la’aan ayaa jirtay maantana nimco ayaan ku jirnaa oo waxaan helnay biyo”




From the comments