Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo La Wareegay Aden Yabaal
Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan dowladda oo gacan ka helaya AMISOM ayaa maanta gacanta ku dhigay degmada Aden yabaal ee gobolka Shabeelladaha dhexe.
Guddoomiyaha degmada Aden yabaal Maxamud Sheekh Xasan oo la hadlay Goobjoog News isagoo degmada ku sugan ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay halkaasi gacanta ku dhigeen.
Guddoomiyaha waxaa uu dadka deegaanka ugu baaqay in ay guryahooda dib ugu soo noqdaan, isla markaana ay la shaqeeyaan dowladda iyo ciidamadeeda.
Goobjoog News