Wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal ciidamada dowladda ka sameeyeen maanta xaafado ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir.
Afhayeenka wasaaraddaasi Cabdi Kaamil Macallin Shukri oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada ay howlgalkaan kusoo qabteen 17 qof oo uu sheegay in lagu tuhmayo inayka dambeeyaan falal ammaanka ka dhan ah.
“Howlgal ay sameeyeen ciidamada, billowdayna xalay socdayna illaa iyo saakay ayeey ciidanka amniga waxay ka sameeyeen xaafadda Siliga ee degmada Yaaqshiid, waxaa lagu soo qabtay 17 qof oo Labo ka mid ah ku jireen howlo argagaxiso waxaana si Wadajir ah howlgalkaan u sameeyay ciidanka Booliiska, Nabadsugidda, Milatariga, Asluubta AMISOM Boolis iyo AMISOM Milatari” ayuu yiri Afhayeenka.




From the comments