Wasaarada arimaha Gudaha Xukumada Federaalka Soomaaliya iyo saraakiil ka socotay Hay’adaha gargaarka ayaa ka wada hadlay sida la isaga kaashan karo gurmad gaarsiinta qoysaska abaaruhu ay ku haystaan Gobollada qaar ee dalka.
Kulan ay isugu yimaadeen madaxda Labada dhinac ayaa lagu soo hadal qaaday in baahi badan xilligan ay ka taagan tahay degaanno badan oo goboladda dalka ah.
Wasiiru Dowlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdirashiid Xidig oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Hay’adaha ay kaalin xooggan ka qaataan sidii shacabka dhibban loogu gurman lahaa.




From the comments